Muqdisho, Oktoobar 12, 2023:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calamka 12 Oktoobar sanadkii 1954-tii, kaas oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
“Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo cadowga Khawaarijta ee u diiddan nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
No photo description available.
Previous articleMadaxa Atmis oo Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowlada Somalia garab lagu siiyo dagaalka Alshabaab.
Next articleMadaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo dhiig u shubeen Ciidamada Xoogga+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here