Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Wasiirka gaashaan-dhigga XFS, qaar ka mid ah golaha wasiirada koofur gabeed iyo masuuliyiin kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey maanta Magaalada Diin soor ee Gobolk Bay.
Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xerista shir dib u hishiisiin ah oo magaaladaas ka socday iyo sidii bulshada Diinsoor dagta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashada howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta gaar ahaan deegaanada koofurgalbeed.







