Afmadow, Nofeembar 30, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, ayaa ku tilmaamay mid guul u ah bulshada deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in degmada Afmadow ay tahay magaalo leh taariikh fac-weyn, tallaabadan lagu dhisayo garoonka cusubna ay tahay mid dib loogu soo celinayo taariikhdii iyo kaabeyaashii horumarka ee ay degmadu lahayd, isaga oo u mahadceliyey hey’adda gacanta ku siineysa dhismaha garoonka.

Advertisement

Mudane Xamsa ayaa sheegay in degmada Afmadow laga hirgelin doono adeegyadii bulshada ee ay ugu horreeyaan Isbitaalladii iyo goobihii waxbarashada.

Munaasabadda lagu dhagax-dhigayay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Afmadow, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, maamulka degmada iyo masuuliyiin ka socday hey’adda garoonka dhisaysa.

Previous articleQoor-Qoor oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug+SAWIRRO
Next articleAf-hayeenka Booliiska oo ka hadlay dhacdooyinkii asbuuclaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here