Xarardheere (dayniiile.com)- Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay 17 jir ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab.

Wiilkaan aadka u yar ayaa qirtay inuu sahan u ahaa Alshabaab islamarkaana loo soo direy wadooyinka Magaalada Xarar-dheerw ee ku haboon in qaraxyada la geliyo.

Advertisement

Wiilkaan oo lagu magacaabo Cusmaan Maxamuud Baree ayaa lagu wadaa in Dowladu u gudbiso Maxkamada Ciidamada.

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa furimaha dagaalka ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay wiilkaan yar ee la qabtay.

Wasiirka wuxuu sheegay in Alshabaab ay tabar dareeyeen sidaas daraadeedna ay miciin bideen inay adeegsadaan caruurta iyo qaraxyada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

No description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here