Shir looga hadlayo Qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adamnimo oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta furay shir looga hadlayo Qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adamnimo ee sanadkaan 2024.

Advertisement

Shirkaan waxaa ka soo qayb-galaya ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnimo ee Soomaaliya George Conway sidoo kale waa goobjoog ka ah wasaaraddaha gargaarka dowlad goboleedyada, Hay’addaha ka shaqeeya samafalka, Deeq-bixiyayaasha iyo madax ka socotay hay’adda QM ee ka shaqeeya samafalka, iyadoo Hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qabta arrimaha samafalka ay dalbadeen lacag dhan 1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.

Guddoomiyaha SoDMA oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay isugu darsoomeen fataahado ka dhashay roobabkii Elnino-da kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.

Previous articleDaawo: Masuuliyiin u istaagay xalinta Colaad beeleedka xadka Hiiraan iyo Sh. dhexe
Next articleWasiirka Difaaca Somalia oo Roma kula kulmay dhigiisa Talyaaniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here