MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shekh Cali Wajiis ayaa ka hadlay awooda uu leeyahay  Madaxweynaha Soomaaliya iyo maqaamka madaxweybe Maamul Goboled.

Sh.Cali Wajiis wuxuu sheegay in Madaxweynaha Xasan Sheekh yahay Hogaanka dhabta ah ee beycada sida sharciga u heysta.

Advertisement

Shiikha wuxuu tilmaamay inaaney jirin cid ka hor iman kara Xukuumad iyo baarlamaan , Maamul Goboleedna warkooda aanba lagu jirin.

Maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay dhamaantood waajib ku tahay inay hoos tagaan Dowlada dhexe kana amar qaataan

”Dowlada dhexe waxay xaq u leedahay hadii maamul goboleed ka horyimaado inay weerarto Ninka joogna ay soo qabto oo ay Maxkamad saarto” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis sida uu tabiyay Tv-ga Dalsan.

“Wadanka hal hogaan ayuu leeyahay waana Xasan Sheekh cid ka hor imaan kartana majirto”ayuu mar kale yiri Shiikhu.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxkamada SSC khaatumo oo maanta riday xukun dil ah
Next articleDEG DEG : Raggii dilay Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo Dil lagu xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here