Maxkamda darajada koowaad ee Maamulka SSC Khaatumo ayaa goor dhaw oo maanta ah waxay qaaday xukun dil ah ku riday nin dhawaan dil gaystay.

Gacan ku dhiiglaha dilka lagu xukumay oo ah 25 jir lagu magacaabo Mowliid Maxamed Jaamac ayaa 14 March wuxuu dilay Col. Maxamuud Cali Muuse.

Advertisement

Maxkamada oo aad loo soo buuxdhaafiyay waxaa dhamaan la soo dhaweeyay xukunka lagu riday gacan ku dhiigle Mowliid Maxamed Jaamac marka la eego reerka wax laga dilay iyo waliba reerka kan wax dilay.

Sidoo kale Danbiile Cawil Cabdi Maxamed oo 18 jir ah  ayaa isna lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah kadib markii uu isku dayay inuu garab ku siiyo gacan ku dhiiglaha inuu baxsado.

Waxaa la yaab lahayd markii qareenkii u doodaayay gacan ku dhiiglaha uu diiday inuu racfaan ka qaato xukunka haduusan ku qanacsaneyn.

Sidoo kale waxaa la yaab lahayd markii reerka gacan ku dhiiglaha iyagu saxaafadavu sheegeen inay ku qanceen xukunka maxkamada  iyo in wiilkooda maro ciqaabta  dhibaatada uu geystay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleXamze Cabdi-Barre iyo Safiirka Turkey maxay ka wada hadleen+SAWIRRO
Next articleSh.Cali Wajiis “Dowladu way soo xiri kartaa maamul goboleedkii ka hor yimaada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here