Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Advertisement

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.

Previous articleDowladu maxay ka tir Dagaalkii Balcad ka dhacay
Next articleMaxkamada SSC khaatumo oo maanta riday xukun dil ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here