• Sida goor dhaw lagu baahiyay Warbaahinta Dowlada Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey weerarkii Saaka Alshabaab ku soo qaadeen Balcad.

“Ciidamada qaranku waxay fashiliyeen dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan”ayaa lagu yiri warka dhanka Dowlada

Sidoo kale warkaan waxaa lagu xusay in Ciidamada geesiyaasha ah ay ka hor tegeen weerarka Alshabaab.

Advertisement

“waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah”ayaa mar kale lagu yir warbixinta Dowlada

Dagaalka saaka waxaa ku burburey guryo shacabku lahaayeen oo ka dhawaa halka qaraxu ka dhacay iyadoona la sheegin khasaare nafeed.

Dhanka khasaaraha soo gaaray Ciidanada waxay Dowladu qiratay dhaawacyada sedex askari

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleRoobab khasaare gaystay oo ka da’ay Jig-jiga
Next articleXamze Cabdi-Barre iyo Safiirka Turkey maxay ka wada hadleen+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here