JIG-IIGA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka curtay roobabkii guga ee la filaayay.

Wararku waxay tilmaamayaan in roobabka oo waynaa darteed mudana da’ayay uu sababay khasaare hantiyeed.

Advertisement

Guryo badan ayaa ku dul dumay dadkii deganaa walow aaney jirin khasaare nafeed oo ka dhashay.

Gurmad ayaa loo fidiyay guryaha dumay waxaana Alle uu sahlay in si nabad ah looga soo daad gureeyo dadka.

Waxaa jirta digniino hore looga bixiyay roobabkaan xooga ay leeyihiin iyo waliba saadaal laga bixiyay oo sheegeysa inay dhibaato intaan ka badan geysan karaan hadii aaney dadku feejignaan muujn.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleQarax iyo Dagaal Alshabaab Saaaka ku qaadeen Magaalada Balcad
Next articleDowladu maxay ka tir Dagaalkii Balcad ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here