Wararka laga helaayo deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in goor dhaw Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Gal-gaduud.
Deegaankaan oo ay Al-shabaab haysteen mudo 16 sano ayaa ugu danbeyn goor dhaw oo maanta ah laga saaray markii ay weerar ku qaadeen ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in deegaanka Ceel-garas aanu ka dhicin wax dagaal ah ayna Al-shabaab isaga baxeen markii ay ka War heleen in lagu soo wajahan yahay.