Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som waxaa tababar loogu soo xirey ciidamo cusub oo ka tirsan Ururka 12-aad ciidanka Gorgor kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee Ciidamada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/nuur Daahir Fiidoow ayaa soo xiray tababarkaani isagoona la dardaarmay ciidaamda oo lagu wado inay ku biiraan kuwa dagaalada u jira gobolada.

Advertisement

“waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay kaga go’antahay dhismaha  ciidan qaran oo awood u leh difaaca Dalka”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Gaashaandhig

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay macalimiinta Turkida iyo kuwa caawiya ee Soomaalida sida iyaguna juhdi u geliyeen soo saarista ciidamo tayo leh.

Ciidamacdaan waxaa si gaar ah gacanta ugu haya oo tababarkoodaa,dareyskooda,hubkooda iyo mushaarkooda maamulka Dowlada Turkiga iyagoona xarun weyn ku leh Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILEE.COM

Previous articleSarkaal ka tirsan Al-shaaab oo lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Baydhabo xili uu dhoofi rabay.
Next articleDEG DEG: Ciidamada Dowlada oo la wareegay deegaanka Ceel-garas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here