Sida goor dhaw lagu baahiyay radio Muqdisho oo ku hadla afka Dowlada Soomaaliya waxaa gacanta lagu dhigay sarkaal ka tirsan dagaaladamaayaasha A-lshabaab.

Sarkaalkaan oo lagu magacabo Cumar Maxamed Ismaaciil ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed xili uu halkaasi ka dhoofi rabay .

Advertisement

Saraakiisha Ciidamada Koonfur-Galbeed ee ka howlgala garoonka ayaa aqoonsaday ninkaani ay sheegeen inuu yahay horjeege Alshabaab ka tirsan oo rabay inuu si xeeladeysan u dhoofo inkastuu uu sheegtay inuu ka soo baxsaday al-shabab.

Mar wax laga weydiiyay sida uu kooxda Alshabaab ugu soo biiray ayuu sheegay inuu ahaa macalin dadka wax kubaro Alaadaha fogaan aragga ee (Online Internet) ka hor inta uusan ku soo biirin Alshabaab.

Sido kale wuxuu xusay inuu tababar ku soo qaatay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe markii uu ku biiray alshabaab isaga iyo koox kale oo ka badan 150 maleeshiyaad ah.

Hay’adaha amniga Dowlada ayaa durba baaris ku bilaabay sida raadiyuhu sheegay si loo xaqiijiyo qorshihiisa dhoofitaanka iyo shaqooyinkuu qaban jirey sarkaalkaani oo codsaday in la cafiyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleXuska Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo 13 bishaan lagu qabanayo Muqdisho
Next articleWasiir tababar u soo xirey Ciidamo cusub oo Gor-Gor ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here