Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa  sheegay in ay jiraan dad badan oo horay ugu soo adeegay dawladda Soomaaliya oo markii dambe ku biiray ururka al Shabaab.

Hadaba yaa kamid ah dadkaas?

Advertisement

Askarigii 63 sano jirka ahaa ee ka tirsanaa militariga dowladda

Cabdi Casiis Xuseen Nuur Musral

Maxkamadda darajaa koowaad ciidamada qalabka sida ayaa bishii Febaraayo ee sannadkan xukun ku ridday Cabdi Casiis Xuseen Nuur Musral oo lagu soo eedeeyay inuu la shaqeeyay dagaalamayaasha Al-shabaab, xilli uu ka tirsanaa xoogga dalka sida ay sheegtay Xeer ilaalintu fadhiga maxkamadda ee la hor keenay eedeysanaha.

Sida laga sheegay maxkamadda, hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ogaatay in Cabdi Casiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab ayuu ka baxsaday isaga oo ku biiray si toos ah u galay Al-shabaab.

Maxkamadeyntiisa ayaa waxaa ay socotay Tan iyo 22 kii January Sanadkan Cabdi Casiis Xuseen Nuu oo da’diisu tahay 63 sano jir ayay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida looga dhawaaqay gabagabadii fadhiga maxkamadda.

Darawalkii guddoomiye Mursal iyo Wasaaradda GaashaandhiggaXuseen Maxamed Xasan

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu darawalkiisii gaarka ahaa uu u goostay, kuna biiray dagaalamayaasha Al-shabaab.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in darawalkiisa oo lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xasan oo muddo afart sanno ah lasoo shaqeynayay uu aaday Al-shabaab, kuna biiray, taasina uu ku ogaaday Cod laga duubay Xuseen.

Maxamed Mursal ayaa tilmaamay in Xuseen uu markii hore kamid ahaa darawalada Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda, isla markaana halkaas uu kasoo raacay illaa uu darawal gaarigiisa uu ahaa inta uu haayay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga,” ayuu markaas yiri Mursal oo Carabka ku dhuftay inuusan garaneynin sababta keentay inuu Xuseen aado Al-shabaab.Salax

Xildhibaankii ku biiray Al-shabab ee markii dambe is qarxiyay

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka tirsanaa xildhibaannada baarlamaankii dowladdii kumeelgaarka ahayn ee Soomaaliya ayaa sanadkii 2010 shaaciyay inuu ku biiray Al-Shabaab. Dowladdii uu ka tirsanaa ayuu ku tilmaamay mid aan diinta Islaamka haysan.

26-kii July 2016 ayuu gaari uu watay ku qarxiyay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Muuqaal uu sii duubay inta aanu is qarxin, ayna Al-Shabaab fulisay weerarka kadib, ayuu Saalax Badbaado ku sheegay inuu rumaysan yahay in falkaas uu jano ku galayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay falkaas ayaa ku tilmaamay Saalax Badbaado “nin xukun jeclaa oo moodayay in Al-Shabaab ay qabsan doonto Soomaaliya oo dhan, balse ku hungoobay arrintaas.”

Askari hore ee dowladda

Nuur Ibraahim Mahad Alle (Nuur Weyne) oo horey uga mid ahaa ciidamada gaarka ah ee Booliska Soomaaliya, balse looga saaray isticmaalka daroogada ayaa lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab mar dambe uga biiray gobolka Hiiraan, islamarkaana uu qarax ku dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga degmada Maxaas, Rashiid Cismaan Cabdi, waxaana dil toogasho ah ninkaan lagu xukumay sanadkii 2019-kii, kaas oo bishii Octobar lee sannadkii tagay agu fuliyey dil toogasho ah.

XIGASHO BBC SOMALI

Previous articleMadaxweyne Saciid Dani iyo Mucaaradkiisa oo mar kale ay ka dhex qaraxday
Next articleDowlada Britain oo Muqdisho tababar ku siisay Saraaakiil Atmis ka tirsan+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here