Garowe (dayniiile.com)-Iyadoo dhawaan la hadal hayay rajo ah inay is fahmaan Madaxweynaha Puntland Saciid Dani iyo Mucaaradjkiisa islamarkaana la filaayay in habka doorashada labada dhinac midkood kan kale u tanaasulo ayay arintu mar kale laba qaraxday.

Saciid Dani oo laba bilood ku dhawaad ka maqnaa Garowe ayaa ku soo laabtay Dalka xili saacado uun ka hor mucaaradkiisa ay ugu baaqeen inuu doorashada xiligeeda ku qabto kana dhigo sidii hore wax loogu dooran jirey madaama aysan suurtagal ahayn in qof iyo cod Madaxweynaha iyo ku xgeenkiisa lagu doorto,taasina ay tahay qorshe Saciid Dani ku doonayo mudo kororsi markii laga gaari waayo.

Advertisement

Madaxweyne Saciid Dani ayaa shalay Madaxooyada khudbad uu ka jeediyay u jawaabay mucaaradka isagoona ku gacan sayray dalabkooda wuxuuna ku celiyay mowqifkiisii ahaa in doorashadu qof iyo cod tahay islamarkaana uu waqtigeeda ku qaban doono.

“mudada noo hartay waa nagu filan tahay waana noo sahlan tahay inaan qabano doorasho qof iyo cod ah,waana ku qabaneynaa taariikhdii iyo maalintii ay hore ugu asteysneyd” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Dani.

Mar uu ka hadlayay qolooyinka Mucaaradka ayuu ku eedeeyay inay doonayaan inay dib u dhac ku keenaan horumarka Dowladiisu sameeysay ee ah in doorashada laga gudbo habka qabaliga ah loona gudbo habka xisbiyada, isagoona ugu baaqay inay xisbiyada ku soo tartamaan.

“fursad waad heysataan wali asxaabta ku biira kuna tartama adinkoo xisbiyo hogaaminaya”ayuu yiri Saciid Dani

Madaxwenaha ayaa sheeay in jadwalka doorashada laga sugaayo guddiga doorashooyinka ee PEC.

Dhanka kale Siyaasiyiinta Mucaraadka ayaa durba ka jawaabay warka Siciid Dani waxayna  iyaguna ku celiyeen in doorashadu ay tahay in sidii hore loo qabto iyagoona ku mar kale ku eedeeyay in ujeedkiisu yahay mudo korarsi.

Siyaasiyiinta Mucaaradka waxay ku hanjabeen hadii doorashada waqtigeeda aab lagu qaban in  wixii ka yimaada oo dhibaato ah uu masuuliyadeeda qaadan doono Saciid Dani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada oo ka hadashay arinta Nageeye Cali Khaliif
Next articleDadkii u shaqeeyay Dawladda Soomaaliya ee ku biiray al Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here