MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay dood culus kadib markii uu furmay ajandihii maanta ee ahaa la hadalka arinaha siyaasada gaar ahaan arinta Masiiriga Dalka sida dhameystirka Dastuurka.

Xildhibaanada ugu badan ayaa la jaan qaaday siyaadada Madaxweyne Xasan ee ah in la dhameystiro dastuurka dalka ee mudo qabyada ah.

Advertisement

Xil Ilyaas oo dooda baarlamaanka ka qeybgalaayay ayaa sheegay in Dastuurka wax ka bedelkiisa ay xaq u leeyihiin Baarlamaanka labadiisa aqal,isagoona soo jeediyay in la dedejiyo.

“Dastuurkaan waxaa loo xilsaaray labada Aqal ee Baarlamaanka cidkale shaqo kuma lahan”ayuu yiri Xildhibaan Daahi Amiin Jeesow.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud ayaa isna sheegay in Shaqooyin badan  laga soo qabtay Dastuurku isla markaana Muhiimadu tahay in laga doodo  dhammaystirkiisa.

Sidoo kale waxaa dooda ka qeygalay Xildhibaan Cismaan Dheere isagoo farta ku guday qaar musharixiinta ma mida.

“Dastuurka dhameystirkiisa Baarlamaanka ayey shaqadiisa tahay, ma ahan in wax laga weydiiyo rag mar murashaxiin noqday”ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Dheere

Xildhibaa  Xusul ayaa isna daboolka ka qaaday in hadii Dastuurka la dhammaystiro wanaaag mooyee kala tag uusan jirin.

Gaba-gabada shirka oo uu shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe ayaa soo xirey shirka.

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA

Muqdisho, Febraayo 07, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay, waxayna Xildhibaannadu falanqeeyeen isla xisaabtanka Hay’adaha Dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka & dhulka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha wuxuu Xildhibaannada uga mahadceliyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleKulan Muqdisho ka dhacay oo looga hadlay ka hortaga fikirka xag-jirka+SAWIRRO
Next articleDAAWO: Hogaamiyaha Awdal State oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here