Kadib wada hadalo uu gar wadeen ka ahaa  Ugaaska Beesha Xawaadle ayay ugu danbeyn heshiis ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin u dhashay Beesha Xawaadle oo uu hogaaminaayay Cali Jeyte Cusmaan kuwaasoo tabao badan qabay.
Xildhibaan ka tirsan Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa BBc-da u sheegay in qodob muhiim la isku af-gartay markii ay is hor fariisteen labada dhinac.
.Xildhibaanka oo lagu magacaabo C/risaaq C/laahi Macalin (Ciid)  ayaa  sheegay in la isku raacay in Cali Jeyte hogaamiyo dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab si ka madax banaan Dowlada balse uu si gaar ah u hoos tagi doono Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale isla qodobkaasi lagu heshiiyay wuxuu dhigayaa in labada dhinac dib loo dhigo ka hadalka arimaha siyaasiga ah ee beeshu tabaneyso.
“heshiisku wuxuu dhigayaa in Cali Jeyte uusan cidna hoos tegeyn uuna u madaxbanaan yahay wixii khuseeya hawlgalinta ciidanka Macawisleyda ee gobolka Hiiraan”ayuu yiri Xildhiaan C/risaaq C/laahi Macalin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Advertisement
Previous articleDEG DEG: Gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay oo goordhaw ku qarxay Xarunta Maxaas
Next articleRa’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Salah Jama oo ka qeyb galay Shirka Isbeddelka Cimillada Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here