Wararka laga helaayo Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax weyn oo magaalada laga maqlay.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari raaxo lagana soo buuxshay walxaha qarxa ayaa ku qarxay afaafka hore ee xarunta Degmada Maxaas inkastoo wararka qaarna sheegayaan in magaalada banaankeeda lagu qarxiyay xili Maxaas uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Advertisement

Ciidamada Dowlada ee ilaalada ka haya xaruntaasi ayaa rasaas ku furey oo fashliyay qorshihii gaarigaasi oo loo maleynaayo in madaxweynaha iyo wafdigiisa lala rabay.

madaxweyne Xasan ayaa xiliga qaraxu dhacaayay wuxuu khud-bad-bad u jeedinaayay Ciidamo ku sugan Magaalada Maxaaas,waxaana la sheegay inuu khudbadiisa iska sii watay.

Wali faahfaahin kama soo bixin Ciidamada ilaalada Madaxweynaynaha iyo kuwa deegaanka kaasoo lagu faahfaahinaayo qaraxaasi iyo hadii ay jirto khasaare nafeed oo ka dhashay inkastoo qaraxaani uu ku dhintay ninkii waday gaariga is qarxin rabay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxamed Cabdi Waarre oo ku eedeeyay Beesha Hawiye in guul-daro la rabaan Madaxweynaha
Next articleQodob muhiim ah oo ay ku heshiiyeen Beesha Xawaadle iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here