Muqdisho (dayniiile.com)-Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku jooga magaca Atmis ayaa maanta Muqdisho loogu soo xirey tababar qeybo kala duwan lahaa.
Saraakiishaan oo tiradoodu ahayd 14 sarkaal ayaa tababarku u socday mudo afar maalin ahayd wuxuuna ugu soo dhamaaday si hagaagsan.
Tababarkaan saraakiisha la siiyay ayaa ku saabsanaa sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo sharciga colaadaha hubaysan (IHL & LOAC).
Tababarkaan waxaa bixisay Saraakiil ka tirsan Milatyariga Britain oo kaashanaya Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) sida lagu cadeeyay war qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ee ATMIS.
Tababarada nuucaan ah lama siiyo Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya marka loo eego dalalka reer Galbeedka balse Dowlada Turkey oo ah Dowlad Muslim ah ayaa kaliya laga helaa tababaro ay siiyaan ciidamada iyo saraakiisha Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
DAYNIIILE.COM

