Waxaa mar kale Maxkamadda gobolka Banaadir loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Masuuliyiin hor leh oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya xili dhawaan sidaan oo kale la soo xiray dacwado loo heystay agaasimayaal wasaaradeed.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa u gudbiyay Maxkamada GobolkaBanaadir warqad ay ku cad yhiin 6-sargaal oo ka tirsan waaxda Canshuuraha Barriga ee wasaaradda Maaliyadda XFS kuwaasi oo ku eedeysan Musuq-maasuq, sameynta Documents been Abuur iyo ku Tagri Fal awoodda Xafiis dowladeed.

Advertisement

Abuukaatayaal uu ugu cad cad yahay Abuukaate Dudaaye ayaa aad u difaacay eedseysanayaashii kuwaan ka horeeyay, kuwaasoo dhawaan la soo xiray kiiskooda si kumeel gaar ah markii Gudoomiyaha Maxamada uu sheegay inay u baahan yihiin cadeymo dheeraad ah si cadaalad loo helo madaama la waayay cadeymo rasmi ah.

lama yaqaan saraakiishaan hada iyagana dacwada laga soo gudbiyay  in iyaagana cadeyn loo weyn doono iyo in lagu helo kadibna xukun la saaro.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleBeesha Gaal-Jecel oo sheegtay inay Dagaalo ka dhana Alshabaab ka bilaabayaan Galbeedka Hiiraan
Next articleMareykanka oo Malaayiin Dooolar dul dhigay Saraakiil hor leh oo Al-shabaab ka tirasan (Magacyadooda)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here