Maalinta Arbacada ee nagu soo aadan hadii Alle idmo waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabanayaa xaflada xuska maalinta Dalxiiska Soomaaaliya halka aduunka dhana looga dabaal degi doono 27-ka bishaan.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa wareysi uu siiyay VOA-da faahfaahiyay inay qaban qaabiyeen xuska maalinta dalxiiska Soomaaliya oo ku aadan 13-ka September 2023 oo hal maalin naga xigto.

Advertisement

Agaasime C/llaahi Xayir Ducaale wuxuu carabka ku adkeeyay in munaasabad weyyn ay ku qaban doonaan Tiyaaratka Qaranka Muqdisho kaasoo ay ku soo bandhigi doonaan Filim ka turjumaya daraasaad lagu sameeyay goobaha  ku haboon dalxiiska ee dalkeena Soomaalya iyo quruxda dalka.

“waxaa macquula in la is weydiiyo waa maxay dalxiiska ay Dowladu ka hadleyso, dalku dagaal buu ku jiraaye,waxaan idiin sheegeyna in Dowladu gacanta koowaad kula dagaaleyso khawaarijta gacmaha kalana ay ku qabaneyso danaha iyo horumarada dadkeenu u baahan yahay sida in dadku helaan amni iyo goobo ay ku dalxiisi karaan”ayuu yiri Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska  C/llaahi Xayir Ducaale.

Mar uu ka hadlaayay meelaha ku haboon Dalxiiska isla markana amniga ah ayuu soo tiriyay meelo caasimada iyo gobolada kala ah sida Xeebta Liido  iyo xarumaha gaarka loo leeyahay ee Muqdisho,Deegaanka Goob-weyn halka ay iska galan wabiga iyo badda  ee Kismaayo ku dhaw sidoo kale Biyo-kulule oo ku taal Boosaaso,sidoo kale Magaalooyinka Warsheekh,Jowhar iyo Balcad oo ka wada tirsan Gobolka Sh,dhexe iyo sidoo kale Masjidka Saylac iyo Buuraha caanka ah ee guud ahaan Dalkeena.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleGanacsatada Magaalada Cabud-waaq oo diiday inay bixiyaan Canshuurta Maamulka Galmudug.
Next articleSarkaal ka tirsan Al-shaaab oo lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Baydhabo xili uu dhoofi rabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here