Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, isagoo kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga degmadaas.

Saraakiil uu ka mid yahay Abaanduulaha
qeybta 12-ka April G/Sare Warsame Maxamed Diiriye ayaa Taliye Dayax ku soo dhaweeyey Afgooye, taliyaha ayaa ciidanka faray inay u diyaar garoobaan howlgallo culus oo Khawaarijta looga sifeyn doono deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Sh/Hoose.

Advertisement

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay inuu socdo diyaar garowga dagaalka guud ahaan dalka looga xoreynayo argagixisada.

Previous articleDHAGEYSO: Duniya Faarax ” hadaa nahay shacabka Puntland Dastuurka raali baan ka nahay”
Next articleRa’iisulwasaaraha oo maanta qaabilay Safiirka cusub ee Dalka Turkey+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here