Waxaa wali sii baahaya khilaafka dhawaan ka dhex dhashay madaxda u sareysa Dowlad Goboleedka Galmudug iyadoo aad moodo in xitaa shacabkii ka sii aamin baxayaan masuuliyiintooda,

Wararka laga helaayo Magaalada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ganacsatada magaaladasi ay ku dhawaaqeen iney joojyeen si kumeel gaar ah lacagihii canshurta ahaa ee ay siin jireen Dowlad Goboleedka Galmudug.

Advertisement

Nin sheeegtay inuu afhayeen u yahay ganacsatasda ayaa saxaafada la wadaagay inay u diideen canshuurta kadib markii sida uu sheegay ay waayeen wax mashaariic ah oo lagu soo celibnaayo magaaladaasi,isagoo dhanka kalana muujiyay in khilaafka jirana ay sabab u tahay.

“ waxaan ugu baaqeyna siyasiyiinta iyo waxgaradka u dhashay Cabud-waaq inay u istaagan sidii loo xalin lahaa khilaafka balse halkii ay la kala safan lahayeen” ayuu yiri Af-hayeenka ganacsatada.

afhayeenkaan ayaa aad ula taliyay dadkiisa ineysan ku dhex milmin siyaasadaha is diidan balse taas badalkeeda ay danahooda ka shaqeeyan ayna u istaagan sidii xal loogu heli khilaafaaka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE,COM

Previous articleKhasaare nafeed oo ka dhashay markii ay soo dhacday anteenada Hormuud ee Magaalada Xudur.
Next articleXuska Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo 13 bishaan lagu qabanayo Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here