Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho waxaa soo dhacday anteenada shirkada isgaarsiinta Hormuud ee Magaalada Xudur oo ah xarunta Gobolka Bakool.

Khasaare nafeed ayaa ka dhashay dhacdadaan waxaana ku geeriyooday hal ruux halka mid kalana uu ku dhaawacmay kaasoo la gaarsiiyay goobaha cafimaadka.

Advertisement

Sidoo kale soo dhicitaanka anteenadan ayaa sababay bur-bur ku yimid qaar ka mid dhismayaal guri iyo goobo ganacsi oo ay ku soo dul dhacday.

Maamulka Magaalada Xudur iyo masuuliiinta Shirkada Hurmood ee isla magaaladaasi wali kama aysan hadlin dhacdadaan iyo waxa sababay iyo waliba saameynteeda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDuqa Muqdisho oo Caawa booqday Jag-boyntiyada Ciidamada qaarkood+SAWIRRO
Next articleGanacsatada Magaalada Cabud-waaq oo diiday inay bixiyaan Canshuurta Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here