Laba Xildhibaan oo reer Galmudug ah ayaa la soo sheegayaa inay ku geeriyoodeen qarax Miino oo loogu aasay afaafka hore ee deegaanka Ceel-garas kaasoo goor dhaw Alshabaab lagala wareegay.

Labada Xildhibaan ayaa kagu kala magacaabi jirey Maxamed Yarre oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo C/laahi Shaaciye oo isna ka tirsanaan jirey  Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Magaalada Dhuusa-mareeb Xarunta Galmudug.

Xildhibaanada waxay ka mid ahaayeen masuuliyiinta hogaamineysay weerarkii goor dhaw Alshabaab looga saaray Deegaanka Ceel-garas.

Allaha u naxariistee masuuliyiintaan geeriyootay waxaa la sheegay in gaarigii ay wateen ay la kacday miino  ka hor inta aysan imaan qoloda miina baarka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleDEG DEG: Ciidamada Dowlada oo la wareegay deegaanka Ceel-garas
Next articleRa’iisulwasaare Xamze iyo Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgaleen daah-furka mashruuc Caafimaad.+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here