BALCAD (DAYNIILE.COM)-Saaka aroortii hore dagaal xoogan ayaa ka dhacay Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe kadib weerar ay ku qaadeen Kooxda Alshabaab.

Wararka ayaa tilmaamaya in Alshabaab laba jiha weerar ka soo qaadeen, dhanka Jowhar iyo dhanka Basra xili isla waqtigaasna uu qarxay gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyay.

Advertisement

Dagaal saacad qaatay ayaa dhex maray labada dhinac markii Alshabaab bilowgiiba weerareen baraha ay degan yihiin Ciidamada amniga Balcad.

Wararka qaar ayaa sheegaya qaraxii horaba inay ku dhaawacmeen dhowr askarta Dowlada ka mida halka mid kalana uu ku dhintay is rasaaseynta.

Sidoo kale Kooxda Alshabaab iyagana waxaa la sheegay in dhowr dagaalame kaga dhinteen dagaalka kuwaasoo gaaraya 4 dagaalame.

Ma jirto wax guul ah oo Alshabaab dagaalka ka gaareen markii ay iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Dowlada ee ilaaliya Magaalada Balcad oo isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ku sugan Balcad ayaa lagu wadaa inay faah faahiyaan iska hor imaadka Saaka halkaasi ka dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleTaliye Sulub oo xalay afur wadareed sameeyay+SAWIRRO
Next articleRoobab khasaare gaystay oo ka da’ay Jig-jiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here