Dowlada kenya ayaa la soo sheegayaa inay markii ugu horeysay ku guuleysatay inay dhoofiso qudaarta loo yaqaan Afakaadhaha oo aad dalkaasi looga beerto.

Masuul u hadlay waaxda horumarinta dalagga ee wasaaradda beeraha ee Dalka Kenya ayaa saxaafada la wadaagay inay India u dhoofiyeen Afakaadhaha markoodii ugu horeysay si ay lacag uga macaashaan.

Advertisement

Xaflad ka dhacday Nayroobi ayaa lagu soo bandhigay iib geynta India ee Afakaadhaha kaasoo ah qudrad caadina loo cuno dhanka kalana laga dhigo cabitaan.

Kello Harsama oo ah xoghayaha joogtada ah ee waaxda horumarinta dalagga ee wasaaradda beeraha kenya wuxuu intaasi ku daray inay Kenya kaalinta 6-aad uga jirto caalamka marka la eego dhoofinta afuukaadhaha.

Munaasabada lagu soo bandhigaayay dhoofinta Afuukaadhaha ee ka dhacday Nayroobi waxaa goob joog ka ahaa safiirka India ku matasho Kenya Ms. Namgya C. Khampa iyo safiirka Kenya ee India Willy sida ay sheegtay idaacada StarFM ee Kenya laga leeyahay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here