Muqdisho (dayniiile.com)-Gen.Dayax Cabdi Cabdulle oo ah Taliyaha cusub ee Ciidamada Lugta Soomaaliya ayaa shalay markiisii ugu horeysay wuxuu hor tagay oo khudbad u jeediyay Ciidamada Milatariga Gor-Gor .
“salaan kadibb waaan ku faraxsanahay inaan soo hor istaago wajiyadiina,waxaan idinka mahadcelinayaa shaqada aad ku jirtaan taasoo aad u heysaan wadankiina iyo dadkiina,islamarkaan aad dhiigiina iyo naftiina u hureysaan”ayuu yiri Taliye Dayax
Salaan kadib Taliyaha ayaa ciidamada u sheegay inay u diyaar garoobaan sidii ay u gudan lahaayeen wajibaadka qarankooda isagoona ku amaanay inay sidaas oo kale horeyna u guteen shaqadooda.
“Waxan u duceyneynaa dadkii aan jecleyn ee naga shahiiday, waxay ku dhinteen gacan dad manaxayaal ah oo dalka iyo dadka shacabakaa dhibaata ku haya,doraady waad ogtiiin waxay dad marasa ku laayeen Magaalada Baladweyne,ogaada
kooxdaas cidii ay dilaan waa Ahlu jano sida culumaa’udiinku noo sheegeen” ayuu mar kale yiri Taliyaha
“Waxan u duceyneynaa dadkii aan jecleyn ee naga shahiiday waxay ku dhinteen gacan dad manaxayaal ah oo dalka iyo dadka shacabaklaa dhibaata ku haya,doraady waad ogtiiin waxay dad shacaba ku laayeen Magaalada Baladweyne,ogaada kooxdaas cidii ay dilaan waa Ahlu jano sida culumaa’udiinku noo sheegeen”
Ciianka 18aad ee Gor-gor ayuu Taliyuhu xusay inay ahmiyad weyn ugu fadhiyaan,islamarkaana madaxdu u hayan jaceyl iyo karaamo .
“Dowlada waxay idnla garb taagan tahay wax kasta oo wajibaadkiina ku gudanyesaan”ayuu ka dhawaajiyay Taliyaha
Mar uu ka hadlaayay xilka loo soo magacaabay ee ah taliyaha lugta ayuu carabaabay inay isla howlgeli doonaan ,mara badana uu ku so laaban doono.
Taliyahaha cusub ee Ciidamada Lugta wuxuu ku booriyay Milatariga Gor-gor inay u diyaar garoobaan dhameytirka dagaalada inta ka harsan.
Dhanka kale Taliyaha wuxuu Ciidamada u sheegay inay horana guul u gaareen hadana ay rajeynayaan inay dhameystiraan guulahaasi.
“isku mid maaha xaalku waad la socotaan markii aan bilaabeynay holwgalada askarigii ugu horeeyay wuxuu nooga dhintay meel u dhaw matabaan hadana waad arkeysaan halka la isla marayo”ayuu yiri Taliyaha
XAFIISKA WARARKA
DANIIILE.COM