Rabi ha u naxariistee Aabbaha dhalay askarigii dhowaan la sheegay in uu is hor taagay naftiisana ku waayay qarax lagu weeraray mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Galmudud, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wareysi uu siiyay BBC laanteeda afka Soomaaliga wuxuu ka hadlay geerida wiilkiisa.
Aabbe Cabdiqaadir sheikh Maxamud ayaa sheegay in wiilkiisa oo ahaa 26 jir uu ahaa geesi dadkiisa u dhintay islamarkana yaraantiisii ay jeclaayeen ardeydii quraanka iyo maadigaba la baraneysay.
Wuxuu ku amaanay wiilkiisa talaabadii uu qaaday taasoo keentay inuu naftiisa ku waayo badbaadda Madaxda u sareysa Galmudug markii uu isku dhigay gaarigii qaraxa laga soo buuxshay.
Aabbe Cabdiqaadir ayaa sidoo kale ka hadlay billadda geesinimada ee madaxweynaha Galmudug ku maamuusay wiilkiisa isagoo xusay inay ahayd talaabo fiican oo dhiiri-gelina u noqon karta askarta guud ahaan.
Dhanka kale mar BBC-du weydiisay in ehalkiisa ay la soo xiriireen madxada Dowlada iyo kuwa Galmudug ay qaabilaan ehalka wiilka ayuu tilmaamay inay kala soo qeybgaleen aaskii wiiilkiisa oo ka dhacday Magaalada Dhuusa-mareeb.
Aabbe Cabdiqaadir wuxuu cadeeyay inuusan wali qaabilaad ka helin Madaxda Faderaalka iyo kuwa Galmudug balse uu rajeynaayo.
“waan maqlay inay dheheen bilad baan gudoonsiineynaa ehelkana waan qaabileynaa laakiin wali nama aysan qaabilin waase rajeyneynaa”ayuu yiri Aabe C/qaadir.
Dhanka kale mar wax laga weydiiyay inuu dhalay wiilal kale oo askar ah ayuu sheegay inaysan jirin balse ay hada qorsheynayaan inay halganka ku soo biiraan oo ay dalka ,dadka iyo diinta difaacaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM