MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho waxaa la soo sheegayaa in barqanimadii maanta uu isku dal dalay wiil 4 jir ahaa.

Aabaha dhalay wiilka ayaa wariyayaasha u sheegay in isagoo shaqa jira la soo wacay loona sheegay in wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Macalin Aadan uu dhintay.

Advertisement

Aabe Macalin Adan ayaa u sheegay Tv-ga shabelle in wiilka hooyadiis u sheegtay inuu xarig mara kaneeco oo sariirta ku xirnaa uu isku dilay.

“Hooyadiis ayaa ii sheegtay inay weysay wiilka kadibna iyadoo raadineysa ay qolka ugu gashay isagoo xarig qoorta ugu jira uuna soo laalaado isagoo meyd ah”ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka

Hooyada saqiirka geeriyooday oo iyadana magaceeda ku sheegtay Faadulo Jaamac ayaa sidaas oo kale wariyaha u sheegtay.

Shaki badan ayaa laga muujinaya sida wiil 4 jir ah ugu fekeri karo inuu xarig qoorta gashto si uu nafta isu dhaafiyo, mar wariyuhu aababa weydiiyay in la dilay iyo inkale wuxuu ku adkeystay in wiilkiisa aaney cidna la joogin aysana jirin wax shaki ah oo aqabalaan.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here