MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sheekh Cali Wajiis oo ka mida Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay wararka maalmihii ugu danbeeyay mucaaradku ku dhaliilayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inuu rabo siduu doorashada danbe ugu shuban lahaa.
Sheekhu wuxuu beeniyay jiritaanka warkaasi isagoon xusay in Madaxweyne  Xasan Sheekh marna u socon  kushubasho.
“Xasan waa Nin laba jeer Madaxweyne noqday Kaar dahab ah ayuu jeebka ku sitaa mana rabo inuu isaga dheelo”ayuu yiri Sheekh Wajiis
“hadii Rabi u qadaro Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Xassan inuu mar kale ku soo laabto doorasho nadiif ah,hadiise qof kale Alle u qadaro waxaan rajeyneynaa inuu ka tago isagoo sharfan oo ah madaxweyne laba jeer dalka soo maamulay”ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Wajiis.
Dowlada iyo Mucaaradka ayuu laba baaq u kala direy taasoo salkeedu yahay inay qaranka u wada adeegaan.
“Mucaaradka waxaan leeyahay qarankiina iyo dadkiina u shaqeya gaar ahaan dhameystirka Dastuurka,Dowladana waxaan leeyahay soo dhaweeya mucaaradka ,qalbiga u fura oo niyad sami ha lagu wada shaqeeyo,fursad  siiyo,hala dhageysto,hana laga qanciyo wixii ay tabanayaan”ayuu yiri Sheekh Cali
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here