Gaza (dayniiile.com)-Warbaahinta Isra’iil ayaa maanta oo jimco waxay si cad u sheegeen in Dagaal Xooggan oo ka dhacay Waqooyiga Marinka Gaza saacadihii ugu danbeeyay lagu dilay saraakiil Israa’iili ah.

Warbaahinta oo soo xiganeysa Madaxda Ciidamada Yuhuuda ayaa sheegay in 4 sarkaal iyo ciidamo  looga dilay Dagaalka Saaka oo ahaa mid aad u culus.

Saraakiisha Xamaas ayaa dhankooda shaaciyeen in dagaalada waqooyiga Gaza ee saaka dhacay inay cashir kale u dhigeen Gaalada Israa’iil.

Dagaaladii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacaayay Gaza ayaa lagu arkay taariikh cusub oo ay sameeyeen Dagaalyahanada Muslimiinta ah ee Xamaas taasoo ah inay Taangiyada  inta godad uga soo baxaan ay toos gacmahooda ugu dhajinayaan taangiga miino isaga dhan dhalaalineysa iyadoon garaafo soo gaarin waliba.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here