Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay maanta dad shacab ku dishay deegaanka Ceelshiil oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Ceelbuur.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 ruux  oo ka mid ahaa dadka deegaanka Ceelshiil oo qiyaas ahaan Ceebuur u jirta ilaa 30 KM iney kooxda ku dishay deegaankaas.

Advertisement

Waxaa sidoo kale wararku intaasi ku darayaan in kooxdu ay dadkaan dishay, xili ay doonayeen iney isaga soo baxaan deegaanka Ceelshiil, islamarkaana ay doonayeen iney u baxsadaan dhanka deegaanada ciidanka dowladda ay joogaan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug oo ku aadan dadkaan ay kooxda Al-shabaab ku laaysay deegaanka Ceelshiil ee gobolka Galgaduud.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo kooxda Al-shabaab dhawaan lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Ceelbuur oo u aheyd taliskoodii ugu weyna gobolada dhexe ee dalka.

Previous articleMadaxweyne Guudlaawe oo Degmo u Aqoonsaday degaan ka tirsan Sh/Dhexe
Next articleMohamed Salah: Warbaahinta Sacuudiga oo sheegtay in heshiiska rikoorka jabiyay ee Liverpool ‘la sameeyay’ iyadoo xiddig ‘uu ku yimid Jeddah diyaarad gaar ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here