Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray Magaalada Alkowsar ee Gobolka Shabeellaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaas.

Madaxweynaha oo socdaal dhiirigalin ah ku maraya furimaha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanada ayaa waxaa bartamaha Magaalada kusoo dhoweeyay Senanator Axmed Maxamed Cali Afcadeey, Waxgaradka Magaalada iyo boqolaal dadweyne ah.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bulshada sida diiran ugu soo dhoweeysay Magaalada isagoo ku boggaadiyay sida ay isaga xoreeyeen Al-Shabaab iyo garab istaaga ay u muujiyeen qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay bulshada ayaa ku dhawaaqay in maanta wixii ka dambeeya Alkowsar ay ka mid tahay degmooyinka Hirshabeelle deg degna loo dhameystiri doono adeegyadii muhiimka ahaa sida fulinta mashaariicyada horumarinta.

 

Previous articleShirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa looga hadley amniga guud ee dalka, iyada oo lagu meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowlada Itoobiya
Next articleAl-shabaab oo dad shacab ah ku laaysay deegaan hoostaga degmada Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here