GAROWE (DAYNIILE.COM)-Xaalad amni daro ayaa ku soo korortay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland gaar ahaan xiliyada habeenkii oo kooxo hurcad ahi marna dhexdooda dagaalayaan marna shacabka dhibaateynayaan.

Qaasim Maxamed Cabdi oo ah Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Nugaal ayaa ku eedeeyay amni darada madaxda hada hogaamineysa Puntland.

Advertisement

“Saciid Dani iyo Xukuumadiisa ayaa u sabab ah xaalada amni daro ee ka jirta magaalada Garowe”ayuu yiri Qaasim Maxamed Cabdi

Masuulkaan wuxuu tilmaamay in waxa dhibaatooyinka geyysanaya ay yihiin rag xiran dareyskii ciidamada puntland kuwaasoo daroogo isticmaalaya.

“Madaama dareyska iyo hubka dhibaatada lagu geysanayo uu yahay kii dowlada Puntland waxaa dusha saaranaya amni xumida  Xukuumada Saciid Dani”ayuu yiri Qaasim Maxamed Cabdi

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.XOM

Previous articleMareykanka oo qalab milatari ugu deeqay Kenya
Next articleMaxay u danaynayaan siyaasiyiinta uu Farmaajo ku jiro shirka uu Deni ku baaqay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here