Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa maanta la soo saaray liiska Xulka K/cagta Qarankeena Soomaaliya iyadoona arinta lala yaabay ay noqotay in liiska laga waayay weerar-yahanka caanka ah Anwar Shakuundha kaasoo u ciyaara kooxda Dekada.

Talaabadaan waxaa qaaday Macalinka xulka qaranka ee u dhashay dalka Marooko kaasoo lagu magacaabo Rashid Lousteque, xili Anwar uu Line up ka ahaa xulka Somalia safaradii ama tartamadii u danbeeyay ee  xulkeena ka qeybgalo.

Advertisement

Dhanka kale Macalinka wuxuu soo xushay kuna soo daray xulka Qaranka  ciyaaryahanka da’da yaer ee C/xafiid oo snadkii hore ku soo caan baxay xulka 17 jirada qarankeena Soomaaliya.

waxaa xusid mudan in weerar yahan Anwan Shakundha uu maalmo ka hor kooxda Dekada u qaaday Koobkii Jen Daud sidoo kalana uu ku guuleystay gooldhalinta tartankaasi  taasoo muujineysa inuu wali yahay weeraryahanka kaliya ee Xulkeena matali kara.

Waxaa macquula inuu buuq ka dhex dhaliyo taageerayaasha kubada cagta iyo xitaa masuuliyiinta kooxaha qaarkood madaama Anwar Shakuundha uu yahay ciyaaryahan wali ku jira qaab ciyaareed wanaagsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xigeenka Juballand oo maamul cusub u magacaabay Degmada Luuq
Next articleBeelaha Ceyr, Xawaadle iyo Mursade oo u midoobay dagaalka Alshabaab.+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here