Muqdisho (dayniiile.com)-Laba Sarkaali oo u dhashay Dalka Uganda kana mida kuwa ka howlgala Gobolka Shabeelaha hooe  ayaa si la yaab leh looga eryay shaqada askarnimo markii maxkamad la soo taagay.

LabadaanSarkaal oo la soo taagay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dalka Uganda balse si kumeel gaar ah xamar uga howlgashay ayaa ku eedeysay askartaan fuleynimo taasoo ugu danbeyna maxkamadu shaqada uga saartay labada askari.

Advertisement

Waxaa lagu wadaa in dalkooda loo celiyo labadaani askari oo magacyadooda lagu kala sheegay Maj Zadock Abor oo 49 jir ah iyo Maj John Steven Oluka oo 58 jir ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Saraakiishaan sababsadeen weerarkii hore Alshabaab ugu qaadeen xerada Ciidamada Uganda ee deegaanka Buulo Mareer markaasoo ilaa iyo 50 askari looga dilay Cidamada Uganda.

Labada Sarkaal waxay Maxkamadu ku eedeysay inay qaladaad sameeyeen markii weerarkaasi dhacay xili ay hayeen warar sirdon oo la xiriira in Alshabaab weerar kaga soo wajahan yahay.

Maxkamada waxaa laga hor cadeeyay inay labada sarkaal xitaa awoodi waayeen inay sameeyaan qorshe weerarka alsabaab ay kaga hortagaan kuna fashiliyaan balse ay taas badalkeeda dib u gurasho sameeyeen ilaa deegaanka Gol-weyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaaraha oo maanta daah-furey Mashruuc muhiim u ah Bulshada+SAWIRRO
Next articleDAAWO VIDEO: Duqa Muqdisho oo caawa kulan deg deg ah la qaatay Gudoomiyayaasha Degmooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here