Taliska Booliiska ATMIS ayaa ugu deeqay Qalab Xafiiseed kala duwan Taliska Booliska Soomaaliya kadib kulan ka dhacay xarunta Taliska Booliiska Somalia ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Booliska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu, ayaa agabkan guddoonsiiyay Taliyaha Booliska Soomaaliya, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin.
Agabka Ciidamada Midowga Afrika ugu deeqeen Booliiska Soomaaliya ayaa isugu jira Matoorada korontada, qalabka warqadaha lagu daabaco (printers),qalabka waraaqaha lasaarto, iyo xargaha waddooyinka loo adeegsado.
Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey ATMIS taageeradooda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya sida lagu soo daabacay Facebook ATMIS.






