MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koonfur-galbeed waxaa maanta lagu soo bandhigay koox ka tirsa  xoogaga Alshabaab.
Kooxdaan oo ka soo goostay Alshabaab iskuna soo dhiibay Dowlada Somalia ayaa tiradoodu tahay 8 dagaal yahan oo ka tirsan Xoogga Alshabaab.
Ciidamada Nabad sugida ee ka howlgala deegaanada Maamulka Koonfur-galbeed waxaa lagu wadaa inay alshabaabka marsiiyaan hab raaca dowladu u diyaarisay dadka ka soo goosta Alshabaab.
Bilahaan danbe waxaa soo kordhaya dagaalamayaasha Alshabaab ee isku soo dhiibaya Dowlada Faderaalka Soomaaliya lamana oga waxa sababay inay dhaqaale la’aanta tahay inay is badal u baahdeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person, beard and treeMay be an image of 1 person, smiling and treeMay be an image of 2 people, people smiling and treeMay be an image of 1 person, smiling and treeMay be an image of 1 person, smiling and treeMay be an image of 8 people and treeMay be an image of 2 people, people smiling and treeMay be an image of 1 person, smiling and tree

Previous articleShil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho
Next articleRa’iisulwasaare Xamze muxuu kala hadlay masuul ka socday Dowlada Seerbiya+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here