MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shil naxdin leh ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay wada 21-ka Oktober Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Gaari nuuca xamuulka qaada ah  ayaa dul maray bajaj,sidoo kalana burburiyay gaari Surf ah oo ah nuuca raaxada.
Bajaajta waxaa la sheegay inay saarneyd hooyo iyo caruurteeda waxaana ku dul habsaday gaariga weyn oo xamuul waday, waxaana mudo adkaatay sidii looga dulqaadi lahaa xili hooyada saarneydna ay ka hoos qeylinaysay bajaajta oo cagta gaariga ka sii hooseysay.
Gudoomiyaha Degmada Waabari oo goobta soo gaaray ayaa saxaafada u sheegay in hal ruux dhintay halka laba kalana ay dhaawacmeen.
Gudoomiyaha wuxuu intaas ku daray in wali gurmadku socdo madaama gaariga uu ku dul taagnaa bajaajtii oo hurnurtay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMeydadka wiil Dowlada ka tirsanaa iyo xaaskiisa oo laga helay gurigiisa Muqdisho
Next articleBaydhabo oo goor dhaw lagu soo bandhigay Alshsbaab badan oo soo goostay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here