MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-.Waxaa goor dhaw oo maanta ah la helay meydadka  Abuukar Yuusuf Ibraahim oo 28 jir ah iyo xaaskiisa
Xamdi C/qaadir Cabdulle oo 22 jir ahayd kuwaasoo la weysnaa maalmihii ugu dambeeyay.
Meydadka waxaa laga helay guri u dhaw xabsiga godka jilacow ee Muqdisho waliba gaari buruuf ah ayaa meydka laga dhex helay kadib markii loogu tagay kursiga danbe ee gaariga xili ay saacado badan meyd ahaayeen labada lamaane Rabi ha u naxariistee.
Guriga meydadka laga helay  waxaa deganaa Abukar Yuusuf Ibraahim mana jirin qoysas kale oo la daganaa.
Agaasimaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Ing. Zubeer ee uu darwalka u ahaa wiilka meydkiisa maanta la helay waxaa la sheegay inuu Mareykanka ku maqan yahay .Hay’adda danbi baarista CID ayaa la wareegtay meydadka iyo baarista kiiskaaji.
XAFIISKA WARARKA .
DAYNIILE.COM

Previous articleDalalka ugu hodonsan Dunida maxay ka yiraahdeen horumarka Somalia
Next articleShil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here