Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan ee G7 oo soo saaray war-murtiyeed ayaa amaanay horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha iyo xoojinta hey’adaha ammaanka, ayagoo si weyn uga dayriyay xaaladda Ethiopia oo ay ka jiraan dagaalo, gaajo baahsan iyo xadgudubyo qeyral caadiga ah oo dhanka xuquuqda Aadanaha ah.

Wadamada G7 ayaa afka ku balaariyay sida ay uga xun yihiin xadgudubyada joogtada ah ee ka socda dalka Ethiopia, ayagoo dhinacyada isku haya dalkaas ugu yeerey in xal siyaasi ah lagu dhameeyo dhibaatada xilligan ka jirta Ethiopia.

Advertisement

“Waxaa ka walaacsan nahay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ku baahaya qeybo kamid ah dalka, sidoo kale waxaa jira dhibaato dhaqaale oo adag oo keentay in cuno yari bahsan ay ka dilaacdo Ethiopia,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo dhowr jeer hey’adaha xuquuqda Aadanaha ay u sheegeen in ciidanka maamulka Abiy Axmed uu xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah ka geysteen gobollada dalkaas, gaar ahaan Tigrey iyo Amxaaradda.

Macluusha ka jirta Ethiopia oo maamulka Abiy isku dayayeen in ay qariyaan ayaa wadamada G7 waxay daboolka ka qaadeen in ay jirto cunto yari bahsan, waxayna ku baaqeen in la ogolaado in gargaar la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Ethiopia.

Ethiopia waxaa ka jira dagaalo looga soo hor jeedo xukunka qalafsan ee ra’iisul wasaare Abiy, iyadoo inta badan ismaamulka Amxaarada laga soo saaray ciidanka dowladda federaalka, ayna la wareegeen dagaalyahanada hubeysan ee jabhadda FANO.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Previous articleWasiirka cusub ee arimaha gudaha oo booqday Xarunta Hay’ada maareynta masiijooyinka+SAWIRRO
Next articleMeydadka wiil Dowlada ka tirsanaa iyo xaaskiisa oo laga helay gurigiisa Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here