Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kulan soo dhaweyn is-barasho iyo kormeer ah maanta loogu sameeyay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenkiisa Dr. Axmed Cabdi Aadan, la-taliyayaal iyo madax kale oo hay’adda ka tirsan ayaa si weyn u soo dhaweeyay Wasiirka, xilli uu kulanka qeyb ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Koofur Galbeed, Cabdullaahi Isxaaq Ganey.

Advertisement

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Md. Cali Xoosh ayaa lala wadaagay xogta guud ee hay’adda SoDMA, sida sharciyada ay ku dhisan tahay, waaxaha kala duwan, waxqabadyada hirgalay, gaabiska jira, caqabadaha hay’adda wajahay iyo si guud dadaallada bani’aadannimo ee hay’aadda Maareynta Musiibooyinka udub-dhexaadka u tahay.

Wasiirka ayaa si weyn u bogaadiyay howsha adag ee hay’addu u heyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo hoggaanka iyo howl-wadeennada SoDMA ku bogaadiyay dadaalka qaran oo ay ugu jiraan sidii dalkeenu uga gudbi lahaa gacan hoorsiga, uguna tallaabi lahaa isku filnaansho iyo sida ay ugu heellan yihiin ka jawaabista howlaha bani’aadannimo.

Previous articleSulub iyo Madaale oo shir gudoomiyay kulan Amniga Xamar looga hadlaayay+SAWIRRO
Next articleDalalka ugu hodonsan Dunida maxay ka yiraahdeen horumarka Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here