War ka soo baxay Taliska Booliiska Dalka Uganda ayay ku shaaciyeen inay fashiliyeen qarax lala damacsanaa kaniisadaha ku yaal caasimada dalkaasi ee Kampala.

qaraxaan oo si la yaab leh loo soo qariyay markii lagu soo qariyay budo loo ekeysiiyay cunto ayuu Af-hayeenka Booliiska  u sheegay  TV-ga  Qaranka Uganda in qalabka tiknoolijiyada ay ku ogaadeen.

Booliisku waxay intaas ku dareen inay qabteen Ibrahim Kintu oo 28 sano jir ah kaasoo ay ku tuhmeen inuu doonaayay sidii uu isugu qarxin lahaa Kaniisada ugu weyn Magaalada Kampala  ee caasimada Dalka Uganda.

“Wuxuu rabay inuu qariyo bamka markii uu soo mariyay budo u eg cunto wuxuuna qorsheynayay in. Bamka uu la beegsado kaniisado ku yaalla caasimadda Uganda” ayuu yiri afhayeenka booliiska magaalada Kampala Patrick Onyango.

Magaalada Kampala waxaa ku sugan Soomaali badan oo qaarna leyman yurub iyo amerika u jooga,qaar u jooga ganacsi iyo kuwa u jooga waxbarasho waana mid ka mida  tirada ugu badan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Advertisement
Previous articleRa’iisul Wasaare Xamsa iyo Wafdigiisa oo Gaaray Dalka Qatar+SAWIRRO
Next articleFanaanka weyn Axmed Naaji Sacad oo goor dhaw Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here