Sida uu xaqiijiyay Fanaan Axmed Cali Cigaal waxaa goor dhaw oo caawa ah  Geeriyooday Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad .

Advertisement

Fanaanka wuxuu ku geeriyooday Magaalada London ee Xarunta Dalka Britain halkaasuu uu ku xanuunsanaa maalmihii u danbeeyay.

Fanaan Ustaad Axmed Naaji Sacad oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya waxaa lagu wadaa in aas qaran loo sameeyo xili la filayo in masuuliyiin,fanaaniin iyo ehelkiisaba ka qeybgalaan aaskaasi.

Taariikh qoto dheer ayuu ku leeyahay fanka Rabi ha u naxariistee Al-fanaan Axmed Naaji Sacad oo Muqdisho ku dhashay 1939-kii ilaa 1940-kii wuxuuna ahaa fanaan ku luqeeya heesaha wadaniga ah xiili xisbigii Leegadana uu ka soo mid ahaa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE,COM

Previous articleBooliiska Uganda oo shaaciyay inay fashiliyeen Qarax si la yaab leh loo soo qariyay
Next articleNeymar oo ku andacoonaya in isaga iyo Lionel Messi ay ‘ku noolayeen cadaabta’ markii ay ku sugnaayeen PSG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here