Muqdisho, Arbaco, 22 November, 2023.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada London kaga soo qeybgaley shirka caalamiga ee ka hortagga cunto yarida.

Advertisement

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaran oo looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

5- Dowladda Britain oo Soomaaliya ugu deeqeysa lacag dhan boqol milyan oo dollar oo wax looga qabanayo maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya.

6- Soomaaliya iyo Burundi oo soo saarey War-Murtiyeed wadajir kadib socdaal uu Bujumbura ku tagey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

7- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo khasaaraha ay geysteen fatahaadaha dalka ka jira ku tegay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhisi doonto buundooyinka ku burburay fatahaadaha dalka ka jira.

9- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

10- Maalinta Macallinka ee 21-ka November oo dalka laga xusay.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

12- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa guddoomiyay shirka maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo maalgashadeyaasha Britain, gaar ahaan dhanka horumarinta beeraha iyo kaluumeysiga.

13- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shir ay isugu yimaadeen guddiga qaranka ee u xil saaran ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta koocaha argagixisada.

14- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galay bandhiga Warbixinta Dalxiiska iyo Marti-soorka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

15- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in meeel gebogabo ah uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biireyso Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumaysatada Gobolka Banaadir iyo dowladda goboleedyada dalka.

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Maxamed El-Amine Souef.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo ka furmay magaalada Dubai.

19- Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa wadda dhageysiga 2aad ee dacwad musuq-maasuq ah oo loo heysto saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.

20- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga dacwad loo haysto saraakiil dowladdeed oo ku eedaysan musuqmaasuq.

21- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo hore u dilay Cabdullaahi Cali Huday.

22- Ciidanka Hoggaanka Baarista Dambiyada Dowlad Goboleedka Puntland ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hor tagay dhagar ay kooxda Daacish u soo maleegeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

23- Ciidanka Kumaandooska Gor-Gor ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka degmada Xarardheere ku dilay horjooge iyo maleeyshiyaad la socday.

24- Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen tuulada Makiineye ee Gobolka Bakool ayaa lagu dilay 3 ka mid ah kooxda Khawaarijta.

25- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Soomaaliya Maryan Maxamed Xuseen ayaa kulan deg-deg la qaatay ururrada isbitaallada iyo bahda caafimaadka si ay isugu dubbaridaan dadaallada wax ka qabashada fatahaadaha.

26- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay dhageysiga 10-ruux oo ku eedeysan argagixisanimo

27- Fatahaada Webiga Shabeelle oo khasaare gaarsiiyey Isbitaalka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

28- Qoysas ku go’doonsan xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne oo xaalad adag wajahaya kadib fatahaad halkaa ka dhacdey.

29- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa magalooyinka Baydhabo iyo Baardheere u dirtay diyaaraddo wada shixnado mucaawino ah oo loogu talagaley dhibaneyaasha ay daadadku saameeyeen.

30- Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay laba eedeysane oo watay gaari lagu soo qariyay xashiish gaaraya 142-kiillo.

31- Boqolaal geesiyaasha deegaanka ah oo ka qayb qaadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qayb qaataan soo afjarista Khawaarijta .

32- Soomaaliya oo la filayo inay dhammaadka toddobaadkan si rasmi ah xubin uga noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

==============DHAMMAAD==============

Previous articleTirada ATMIS Milateri iyo Booliis-ba loo ogolyahay sanadka cusub 2024 inay joogaan Somalia
Next articleDAAWO VIDEO: Maxkamada Ciidamada oo laba nin dil ku xukuntay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here