Mqdisho (dayniiile.com)- Duqii hore ee Magaalada Muqdisho xiligii Dowladii kacaanka Cali Ugaas Cabdulle ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee masuulkaan ayaa maalmihij ugu danbeeyay xanuunsanaa wuxuuna ugu danbeyn ku geeriyooday saaka Isbitaalka Digfeer.
Cali Ugaas ayaa Xilka Duqa Muqdisho soo ahaa 1987 ilaa 1990-kii xiligji Dowladii Maxamed Siyaad Barre Rabi ha u wada naxariistee.

Dhanka kale Marxuumku waxa uu dhalay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hadda ah Ugaaska Beesha Abgaal Cusmaan.

Waxaa lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho iyadoo masuuliyiin Dowlada iyo ehalba isugu jira ay ka soo qeybgeli doonaan haddii rabi idmo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleXildhiban Jacfar “ dhowr mar baan shirnay walina Alshabab waa joogaan,kulankaan hanoo noqdo ii ugu danbeeyay”
Next articleRa’iisulwasaaraha oo maanta qaabilay Safiirka Dalka Imaaraadka+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here