Maxaas (dayniiile.com)-Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka qeybgalay kulan ay yesheen beelaha Ceyr ,xawaadle iyo Mursade ayaa si adag kaga hadlay dagaalada ay kaga hor jeedaan Alshabaab.

Xildhibaankaan oo ka soo jeeda Beesha Mursade ayaa xusay inay kula midoobeen beelahaas kale sidii Alsabaab ay wada jir isaga saari lahaayeen.

Advertisement

Xildhibaanka wuxuu carabka ku dhuftay inay kulamo nuucaan oo kale ay dhowr mar hore u yeesheen beelaha Hiiraan iyo Galgaduud balse ay wali Alshabaabkii joogaan.

“ dhowr mar baan shirnay walina Alshabab waa joogaan,kulankaan hanoo noqdo kii ugu danbeeyay oo aan dhahno waan iska sareynaa, kulanka danbe ha noo noqdo inaan isugu imaano waan iska saarnay kadib aan ka wada hadalno horumarada deegaaanadaan”ayuu yiri Xildhiaan Jacfar.

Shalay Galab ayay ahayd markii xildhibaankan ,Cali Jeyte iyo Gudoomiyaha Degmada Guriceel ay ku kulmeen deegaanka waradhumale ee hoos taga Degmada Maxaas  iyagoo isla qaatay dagaal wada jira inay ku wajahaan Alshabab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

Previous articleTaliyaha Ciidamada Lugta oo booqday furimaha dagaalka+Sawirro
Next articleCali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyoodey Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here