Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Mudane Magatte Guisse iyo Marwo Sanaa Omer oo ah ku-xigeenka wakiilka UNHCR ee dalka, maadama uu dhamaaday mudo xileedkii ay ku joogeen Somaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Hay’adda UNHCR uga mahadceliyay shaqada wanagsan oo ay ka qabteen dalka, waxaana uu sheegay in Hay’adda UNHCR ay caawiso kumannaan Barakacyaal ah oo ku nool dalka gudahiisa, isagoona kula dardaarmay madaxda cusub ee imaan doonta in ay xoojiyaan caawinta Barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo qaxootiga ajaaniibta ah ee ku nool gudaha dalka.
Wakiilada cusub ee badeli doona kuwaan waqtigu ka dhacay ayaa lagu wadaa inay dhawaan dalka soo gaaraan si ay shaqada halkeeda uga sii wadaan.
May be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 7 people and dais
Previous articleDAAWO: Shil dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Ber-Bera
Next articleMadaxweynaha oo Dhuusa-mareeb lagu soo dhaweyay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here