Dawlada Fedeelka Soomaaaliya ayaa Guulo ka sheegatay Hawlgallo laga kaga sameeyay tuulooyin hoostaga Degaanka Daaru nicam ee gobolka shabeelada Dhexe

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Dana bee xoogga dalka soomaaliyea , gaar ahaan Ururka 6aad ee Guutada 16aad, ayaa hawlgal ka sameeyey tuulada buurta fiiqow oo hoostagta Degaanka Daru-nimco ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Advertisement

Ciidanka, ayaa intii uu hawlgalku socday burburiyey Goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab , Sidoo kale ciidanku waxay Duqeeyeen Goobo ay isku aruursanayeen Alshabaab , halkaas oo khaasaare xoogan lagu gaarsiiyey Alshabaab Sida uu sheegay Taliyaha Ururka 6-aad Guutada 16-aad ee Danab L/Xidigle Axmed Maxamed Salaad.

Hawlgalka ay cuudamadaan ka sameeyeen Tuulooynkaan goostaga degaanka Daaeu Nicam ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan degaanada Galmudug la fulayo in uu ka bilowdo wejiga labaad ee Hawlgallada ka dhan ka ah Alshabaab

Dhinaca kale ‘ Ciidamo is-abaabulay oo dadka deegaanka ah, una diyaarsan ka qeyb galka dagaalka loogaa soo horjeedo Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb.

Ciidankaan oo laga keenay deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb ilaa Xarardheere ayaa waxaa dhiirigelin ugu tegay masuuliyiin ka kala tirsan dowladda federaalka, dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha ayaa ciidankaan kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan dagaalka looga xoreynayo Soomaaliya, dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidankaan is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan la dagaalanka Alshabaab

Previous articleDawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis kala saxiixday
Next articleRW Xamse oo ballan-qaaday in hoos loo dhigayo kharashaadka badan ee lagu tago Xajka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here